Miyuu Horjooge Xasan Daahir Ka Xuquuq Badan Yahay Maxaabiista Kale!!

Somalia news

Horjooge Xasan Daahir Aweys oo xabsi-guri ku jira ayaa Maamulka Fashilmay ee Farmaajo u adeegsanaaya danahooda siyaassadeed iyo Bartilmaameedsiga Madaxda Maamulada, kuwa Xisbiyada iyo Muwaadiniinta kale, wuxuuna xiliyadii ugu dambeeyay kordhiyay soo duubista hadallo Xanaf leh, gefef xambaarsan kuwo shaqsi ah iyo meel ka dhacyo, iyadoo la og yahay inuu u xiran yahay Dowladda Federaalka…

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa is-weydiiya, Muxuu Horjooge Xasan Daahir Aweys u helaa fursadaha uu afkkaartiisa xag-jirnimada ugu faafiyaa Warbaahinta iyo Baraha Bulshada isagoo xabsi guriga ku jira? Miyuu ka magac weyn yahay ama ka xuquuq badan yahay Maxaabiista kale sida Horjooge Mukhtaar Roobow oo aan xitaa loo oggolayn inuu kulammo abaabulo, maxey tahay ujeedada ka dambeysa.

Aqoonyahan Prof.Kabire ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news “ In Dowladda Federaalku raali bay ka tahay inuu Horjooge Xasan Daahir Aweys jabiyo Shuruucda iyo Nidaamka u diidaya inuu olole siyaasadeed galo ama uu hadallo kicin ah ama qof weerar ah soo tabiyo”, Diin ahaan Soomaalidu waxay ay ahayd dad isu dulqaata.

Dhaqdhaqaayada Dalalka Khaliijka ay soo maalgelisay si Soomaaliya u noqoto dal loogu soo gabbado inay gabbaad u yihiin Kooxaha argagixisada, sida Ururkii Maxkamadaha iyo qeybaha kale ka soo farcamay. Waa maxay faraqa u dhexeeya ururrada diimeed oo hay’ado Carbeed lacag ka soo qaata iyo ururkii qabqableyaashu sameeyeen 2006-dii si ay ula dagaallamaan wax ay u bixiyeen”aragagixiso”?.

Eeedda ugu weyn waxaa leh Dowladda Federaalka gaar ahaan Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad Yasin, iyagoo u oggolaada inuu afkaartiisa xag-jirnimada ku baahiyo Baraha Bulshada, kana sii darane, ay Like iyo Share u saaraan Xoogaga Wadaniyiinta Ee taageersan Villa Somalia, waana Ayaan darro in Horjoogayaasha Shababka la eedeeyo Halka Horjooge Aweys oo dilal badan geystay la quudiyo.

63510cookie-checkMiyuu Horjooge Xasan Daahir Ka Xuquuq Badan Yahay Maxaabiista Kale!!