War-Saxaafadeedka Puntland Ee Dhuusa Mareeb-3

Somalia news

Hogaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku cadeynaayo mowqifkooda ku aadan Shirkii lagu balansanaa ee Dhuusamareeb 3, kadib markii ay ka baaqaadeen iney ka qeyb galaan Shirkii lagu balansanaa…

Puntland ayaa ku eedeysay madaxda DF iney ku kaceen talaabooyin lagu fashilinayo hirgelinta qodobadii ka soo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, isla markaana carqalad ku noqonaya natiijo kasta oo ka soo baxda shirka Dhuusamareeb 3.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo bandhigay 7-shuruudood oo Puntland ku xirtay ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb, kuwaasoo ay ka mid yihiin in marka hore Farmaajo uu Magacaabo RW iyo xukuumad cusub oo fulin karta heshiisyada la gaaro iyo in wakiilada beesha caalamka ay goob joog ka noqdaan shirka.

54580cookie-checkWar-Saxaafadeedka Puntland Ee Dhuusa Mareeb-3