Xawaalaada Kuraasta Iyo Muranka Hareeyay

Somalia news

Guddoomiyaha guddiga wadajirka ah ee dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay beelaha qaar, taasoo ah in kuraastoodii Golaha shacabka degaan doorashadooda loo wareejiyey gobol ama degmo aysan degin…

Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talagal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin inay saxaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo sixi lahaa khaladaadka jira ay la kaashan doonaan guddoonka golaha shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan talooyinka ay soo jeediyaan xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka.

“Wixii khalad ah oo ku jira xeerkan badanaa waxay ka dhaceen daabacaada, hadii aad aragteen kuraasta qaar oo lambarka iyo meesha aysan is laheyn, waan saxeynaa, anaga oo guddoonka la kaashaneyna, soo jeedinta xildhibaanadana waan qadaneynaa wixii naga anfaca, marka waxaan codsaneynaa in xeerkan” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga wadajirka ah ee labada Aqal Ibraahim Isaaq Yarow.

44940cookie-checkXawaalaada Kuraasta Iyo Muranka Hareeyay