Qeylo dhaan Ka Soo Yeertay Ciidamadii Gedo

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Federaalka u qaaday Gobolka Gedo, ay laga soo sheegaya iney ku dhiiba teyda yihiin, isla markaasna duruufo adag oo xagga nolosha ah ay soo food saartay..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in qaar ka mid ah ciidamada Dowladda ay geysay gobolka Gedo ayaa bilaabeen iney ka soo tagaan Degaanada la geeyay, halka kuwo kale la sheegay iney ku biiraan maamulka Jubbaland,maadama Dowladda Federaalka ay ka gaabisay iney xuquuqdoodii bixiso.

Qaar ka mid ah Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka gobolka Gedo ayaa sheegay iney balanta uga baxday Dowladda Dhexe, islamarkaana ay ku Khiyaameeyeen howlgalka gobolka Gedo, maadama ay aqoonsatay maamulka ay ka soo horjeedeen oo hadda gacanta loo geliyay.

Ciidamo laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa la geeyay Degmooyinka Luuq, Doolow, Baardheere iyo Baladxaawo oo ka wada tirsan gobolka Gedo, waxeyna ka saareen Ciidamadii taabacsanaa Dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaasoo hadda ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

41960cookie-checkQeylo dhaan Ka Soo Yeertay Ciidamadii Gedo