Tv-Channel 4 News Oo Lagu Cadaadinaayo inuu Masaxo Dukumentiri uu Shababka ka Diyaariyay

Somalia news

Barnaamij dhowaan laga sii daayay TV laga leeyahay Dalka UK oo xayeeysiin iyo buunbuunin loogu sameynaayo kooxda Argagixisada Shababka ayaa qeylo dhaan laga soo saaray in la masaxo Barnaamijkaasi, iyadoo dadka ka cabanaaya ay doodoodu sal uga dhigeen in Kooxdaan oo lagu tilmaamo kuwa arxan daran…

Dukumenterigaan oo laga sii daayay 15-kii bishaan TV-ga Channel-4 ee laga leeya Dalka UK, waxaana soo diyaariyay Wariye Soomaaliyeed oo u shaqeeya TV-gaasi, kaasoo tagay Magaalada Jilib oo ah xarunta Kooxda argagixisada Shababka wuxuuna wareysi la yeeshay Madaxa Saadka iyo dhaqaalaha kooxdani Horjooge Mahad Karatee oo USA ay madaxiisa dul dhigeen 5-million US$.

Wariyahaan (Jamaal Cusmaan) ayaa wareysigaasi ku sheegay in Kooxda Shababka ay Maamulaan 3/1 dhulka Somalia iyo inuu mahadnaq gaar ah u hayo kooxda Argagixisada Shababka sida loogu soo dhaweeyay magaalada Jilib, Wariyahaan oo degan magaalada London isla markaasna xiriir wada shaqeyn la leh Hey’adaha Sirdoonka UK ayaa lagu eedeeyay inuu xiriir hoos la leeyahay Horjoogayaasha kooxdani.

Tv-ga Channel-4, Wariyaha iyo Hey’adda u qaabilsan anshaxa ayaan jawaab ka bixin codsi badan oo ay u direen Hey’addo iyo Muwaadiniin kuwaasoo dalbaday in la masaxo Barnaamijka ”Gunta Shababka”, iyadoo dadka dhaliila ku tilmaameen Barnaamijka mid ”Wax yeelo leh”, waxaa laga yaabaa iney wakhti dheer qaadan doonto dalabkaan culus.

196950cookie-checkTv-Channel 4 News Oo Lagu Cadaadinaayo inuu Masaxo Dukumentiri uu Shababka ka Diyaariyay