Deni Oo Bilaabay Olole Uu ku Oggoleysiinaayo Dib u Doorashadiisa Isimada Gobolka Nugaal

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Olole u muuqda qorshaha dib u doorashada xilja Madaxweynaha Puntland ayuu ka xalay ka bilaabay Magaalada Garoowe Saciid wuxuu kulan la yeeshay mid ka mid Jufooyinka Beesha Ciise Maxamuud, isagoo kala hadlay qodobo dhowr ah..

Sida loo soo dusiyay Warsidaha Diinah.com news, Madaxweyne Deni uu kulankii ugu horreeyay xalay la yeeshay waxgaradka mid ka mid ah beelaha Nugaal, kulankaas oo waqti qaatay wuxuuna kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga Gobolka iyo qorshaha uu ku doonayo in uu sanadkiisii ugu dambeeyay ku hirgeliyo doorasho qof iyo cod oo ka dhacda qaar ka mid ah degmooyinka Puntland.

Kulamada uu Madaxweynaha uu la yeelanayo Beelaha gobolka Nugaal ayaa ku soo aadaya, xilli uusan muddooyinkii dambe wanaagsanayn xiriirka Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal iyo Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan kala diray golihii deegaanka degmada Garoowe iyo sidoo kale baddelay wasiiradii ka soo jeeday gobolka Nugaal ee la shaqaynayay muddada afarta sano ku dhow, isagoo aan la tashi kala sameynin Dadka Degaanka.

216980cookie-checkDeni Oo Bilaabay Olole Uu ku Oggoleysiinaayo Dib u Doorashadiisa Isimada Gobolka Nugaal