Deni Oo Dib u Gurasho Sameeyay kuna Dhawaaqay Doorasho Noocii hore ah Wakhtigeeda lagu Qabto..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha wakhtiga gababsiga ka yahay ee Puntland Mr.Dani ayaa ku dhawaaqay caawa inuu si rasmi ah dhawaaqay inuu Doorashada ku qabanaayo xiligeeda iyo soo xulida Xildhibaanada 66-da ee Odayaasha Dhaqanka…

Deni oo hadal kooban ka jeediyay Xarunta Madaxtooyada ayaa shaaciyay in doorashada lagu qabanayo 8 jannaayo 2024 laguna galayo nidaamkii hore ee 66 ee lagu doortay isaga, “Waxaan rabaa anoo u turaya Mustaqbalka Puntland in aan halkaan uga dhawaaqo in doorashadu ku dhacdo 8 Jan lagu doorto nidaamkii qabaliga ahaa ee 66 xildhibaan” ayuu yiri Deni.

Dhinaca kale Xisbiyada beeleysan ee Siyaasadda Puntland ee taageersanaa in doorashada lagu qabto hannaanka qof iyo cod ayaa sheegay iney u tanaasuleen xasiloonida iyo nabadda Puntland waxaana ay taageereen doorasho ku dhacda 66-xil.

Ku darsoo Falanqeeyayaasha Puntland ayaa yaqiinsan in Dadaalka Garabyada Mucaaradka uu qeyb ka qaadan doono in laga hortago Madaxweynayaasha soo socda ee degaanka iney qaadaan go’aano hal dhinac ah saameyn taban ku yeelan kara Hanaanka Dimuqaraadiyada Puntland.

291650cookie-checkDeni Oo Dib u Gurasho Sameeyay kuna Dhawaaqay Doorasho Noocii hore ah Wakhtigeeda lagu Qabto..