Suuqa Degmada Xudur Oo Xirmay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maalintii 3-aad uu xiran yahay Suuqa weyn ee magaaladaasi, kadib markii ganacsatada ay ka horyimaadeen canshuur kordhin lagu amray inay bixiyan….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u Xaqiijisay in Maamulka Xudur uu ganacsatada ku soo rogay canshuurtan, xilli ay la daallaa dhacayeen go’doominta Ururka Al Shabaab uu ku hayo magaaladaasi iyo saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay cudurka Aaf-mareenka ah ee COVID-19.

Xerow Sanweyne Xasan, Gudoomiyaha Ganacsatada Xudur ayaa sheegay inaanay bixin karin canshuurta lagu amray inay bixiyan, taasoo culeys ku ah sida uu yiri ganacsatada, wuxuuna tilmaamay markii ganacsatada ay dareemeen culeyska dhaqaale ee ganacsigoodii uu u leeyahay bixinta canshuurtan, ay garowsadeen inay albaabada isugu laabaan goobahoodii ganacsi.

Xirnaanshaha Suuqa weyn ee Magaalada Xudur ayaa laga dareemay magaaladaasi, sida ay ku waramayan dadka degaanka Oo xiriir ka soo sameeyay Mareegtadaan.

Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmadaba ayaan weli ka hadlin xirnaanshaha suuqa ganacsiga ugu weyn Magaalada Xudur iyo waxa ay ka yeelanayan cabashada ganacsatada.

52160cookie-checkSuuqa Degmada Xudur Oo Xirmay