Murashax Cusub Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Musharax cusub ayaa ku soo biiray, kaasoo loo badinaayo inuu noqdo Musharax u taagan Xilka Wasiirka 1-aad, wuxuuna ka soo jeeda Beesha Sacad….

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Mr.Farmaajo oo waday wareysiyo uu la yeelanaayo Musharixiinta, isagoo ku qanci waayay ilaa 15-Musharax oo ka soo kala jeeda Beelaha Mudulood iyo Habar gidir, laakiin Waxaa ku soo biiray Musharax cusub, kaasoo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Musharax Cusub ayaa lagu magacaabaa Hanad Cabdullaahi Axmed Caddow, Musharaxaan ayaa Qandaraasyo ka qaata Hey’addaha Qaramada Midoobay, markii uu ka soo degay Garoonka Muqdisho Waxaa soo dhoweeyay Ilaalo ka tirsan Madaxtooyada, waxaana la dejiyay guri ku dhow Madaxtooyada.

52110cookie-checkMurashax Cusub Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho