Ma Dhabaa In Qaahir Ay Ku Kulmeen Mr.Xasan Sheekh & Sarkaal Sirdoon

Somalia news

Ilo wareedyo aan si dhab ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Magaalada Qaahira uu ka dhacay Kulan Qarsoodi ah oo ay yeesheen Madaxweynihii hore Ee Somalia Mr.Xasan Sheekh iyo Saraakiil hoose oo ka tirsan Sirdoonka Israel, iyadoo looga dooday Kulankaasi Qodobo dhowr ah….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Kulankaasi uu ka dhacay Magaalada loo dalxiiso ee Sharma al sheikh Dalka Masar, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan Dowladaha UAE & Egypt, waxaana aad looga dooday Saameynta Qadar iyo Turkey ee Somalia, qodobo la xiriira Arrimaha Doorashada iyo dagaalka Kooxda Shababka.

Xiliyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa aad u soo kordhaayay Xiriirada iyo Kulamada tooska ah oo ay yeelanayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka Soomaalida Iyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Yuhuuda, iyadoo kulamadaasi ay intooda badan qeyb la ahaayeen Saraakiil ka tirsan UAE iyo Masaarida.

70050cookie-checkMa Dhabaa In Qaahir Ay Ku Kulmeen Mr.Xasan Sheekh & Sarkaal Sirdoon