Maxaa Hortaagan in la Mideeyo Canshuuraha & Kastamada Dalalka Geeska Africa

Africa News Business

In dhaqdhaqaaqa Dadka iyo Dhaqaalaha Wadamada Geeska Africa la isku furaa waxa ay fursad siinaysaa Ganacsatada Dalalka Geeska, iyadoo abuurmayaan Shaqooyin badan oo aan xad lahayn, waxa camirmaya Dekadaha Gobolka iyo Suuqyada ganacsiga…

Si loo dhiirigaliyo xoriyada Ganacsiga isla markaana u kordho Dhaqaalaha Dalalka Geeska Africa, lagama maarmayo in la mideeyo kastamada (Customs union) sida wadamada Bariga Africa ee nidaamka kastamada ku midoobay ururka (EAC).

Isku soo wada xoori nidaamka maanta ee Canshuuraha iyo Kastamada ee dalalka Djibouti, Ethiopia iyo Somalia maaha mid u sahlaya Dadka Ganacsatada ah iney si fudud isku gudbaan, sidoo kale ma aha mid korinaya haynta dadka isla markaana abuuraya shaqooyin badan.

Nidaamkani wuxuu hoos imanayaa shuruucda Midowga Africa ee Ganacsiga xorta ah iyo kobcinta Dhaqaalaha oo mustaqbalka lagu wado in wadamada Africa oo dhan ganacsigooga la isku furo, waxaana ka mid ah:-

-In Canshuuraha laga dhaafo/dhiimo, waxa ka soo baxa wadamada ee Dal kasta kan kale u gudbiyo.

-Fududeynta wixiu ka soo dega Dekadaha oo shuruucdii wax isku gudbinta (transit laws) maraya oo abuuri doona camirnaan iyo koboc dhaqaale iyo dhaq-dhaqaaq ganacsi oo weyn.

-Mideynta Tariifada Dalalka iyo Xeerarka Kastamada.

-Waxa yaraanaya ama gabi ahaanba joogsanaya Koontarabaanka Badeecadaha Dalka lagu soo galiyo ee Canshuuraha lagala baxsado.

219800cookie-checkMaxaa Hortaagan in la Mideeyo Canshuuraha & Kastamada Dalalka Geeska Africa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com