Kumanaan Arday Soomaaliyeed Oo Waxbarashadii ugu haray Dhaqaale xumo

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Kumanaan Arday Soomaaliyeed oo xiligaan adag ee Abaarta iyo Macluusha jirta awgeed ka haray Dugsiyadii Waxbarashada, kadib markii ay soo food saareen Dhaqaale xumo ka dhalatay Abaaraha…

Wararka ayaa sheegaya in Ismaaciil Maxamed Abshir oo 14 sano jir ah ayaa fasalka afraad ee Dugsiga Dhexe bishii May ee sanadkaan uga haray Waxbarashadiisii kadib markii ay qoyskiisa oo xoolo dhaqato ku ah Gobolka Bakool ay awoodi waayeen inay ka bixiyaan $12 saameynta abaarta ka soo gaartay darteed.

“Saddex bilood Dugsiga ma aadin, sababtuna waa lacagtii baadiye layga soo diri jiray ayaan waayay haddana guriga ayaan iska jooggaa, Iskuulka waxaa uu ugu leeyahay saddex bilood Ayeeydey oo aan la noolahay ma awoodo iney iga bixiso, Anigana ma awoodo in aan iska bixiyo. Marka waxaa aan go’aansaday in aan guriga iska joogo,” ayuu yiri.

Ismaaciil walaashiis ka yar Naciimo oo iyaduna aheyd fasalka Saddexaad ayaa ka hartay iskuulka, Labadooduba waxay taageero ka heli jireem hooyadood oo xoolo isugu jira lo’ iyo ari ku dhaqan jirtay miyiga gobolka Bakool una soo diri jirtay bishii $30.

215320cookie-checkKumanaan Arday Soomaaliyeed Oo Waxbarashadii ugu haray Dhaqaale xumo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com