Hilibka Geela Oo Laga Waayay Magaalada Garoowe

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya tiro ka mid ah Haweenka ka ganacsan jiray Hilibka Geela suuqyada magaalada ayaa bilaabay iney joojiyaan meheradoodii, kadib markii qiimo barar ku yimid Iibka Geela ee magaalada lagu qalo…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in suuqyada lagu iibiyo Geela ee magaalada Garoowe ayaa laga dareemay sare u kac ku yimid qiimaha Hilibka Geela iyo sidoo kale in la waayay Geelaba, maadama ay xoolaha dhaqatada Geela la sheegay iney hayaameen degaano ka fog magaalada.

Iyadoo Xoolaha soo haray la sheegay iney aad u saameysay Abaarta iyo Baad la’aanta ka jirta Gobolka, iyadoo la sheegay in Haweenka ka ganacsada Hilibka Geela qiima bararka ku yimid tirada yar ee magaalada la keeno ay iibsan karin waayaan, waxeyna cabasho ka muujiyeen in deymo badan lagu yeesho.

199960cookie-checkHilibka Geela Oo Laga Waayay Magaalada Garoowe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com