Saameynta Dhaqaale ee ka dhalatay Isku-socodka Dadka & Ganacsiga Degaanada Dhulbahante iyo kuwa Isaaq.

Somalia news

Tan iyo intii uu bilaawday gacan ka hadalka Beelaha Dhulbahante & Isaaq, ayaa waxaa loo baxaaya inuu Dagaalka saameeyay isku socodka Gadiidka, Ganacsiga iyo Dadka, iyadoo Qoysas iyo Arday badan oo ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ay ka soo qaxeen degaanada kadib markii ay la kulmeen Dil, Hanjabaado iyo Aflagaado…

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Waxgaradka, Odayaasha, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada Degmafa Buuhoodle ayaa 20-03-2023 sheegay inay joojiyeen Ganacasigii iyo Gaadiidkii ka imaan jirtay waqooyiga Somalia “Maamulka Soomaaliland” iyo kuwii Koonfurta ka imaan jiray ee dhex mari jiray degaanada Dhulbahante oo tegi jiray Burco, Hargaysa, Barbera iyo ilaa Boorama.

Waxaa sida oo kale wada ognahay inay is taageen isu socodkii Gaadiidka ee wadada dheer ee xiriiriya Magaalooyinka Burco, Laascaanood ilaa Garoowe ee laamiga ahayd, dagaalka magaalada Laascaanood awegii, ku darsoo waxaa lagu dilay Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Cali Axmed (Tarabi), oo ahaa Askari ka tirsan Boliiska Maamulka Somaliland ayaa lagu dilay Hargeysa.

Baraha Canshuuraha ee Dhaqaalaha lagu uruuriyo

Waxaa maalin kasta dhex mara Degaanada Dhulbahante ilaa 50 Gadiidka Xamuulka oo Qudaar iyo Xoolaha nool sida Ariga iyo Dibida, sidoo Gaadiidka yar ayaa iyaguna waxey qaadaan Dadka Rakaabka ah ee isaga kala goosha Hargeysa ilaa Gaalkacyo, Gaafiidjaan Qayb waxay martaa kor iyo galbeed oo waxay maraan Laandheer, Heegaale iyo Qararo iyaga oo degaanada Isaaq kaga dhaca Balidhiig, kadibna Burco halkaa ka gala, qaar baa ka sii gudba oo Oodweyne ama Baligubadle Hargaysa ka soo gala.

Halka kuwa kale ay maraan waqooyi oo Buuhoodle ayey halkaa kaga dhacaan oo qori-lugud ayey ka gudbaan oo ay ka galaan deegaanada Isaaq, ama waxay maraan wadada Horufadhi, Ceegaag, Galjano, Yeyle waxayna laamiga ka qabsadaan Guumays.

Qeyb seddexaad ayaa waxay isticmaslasn Wadooyinka Domco, Balicad, Xamar-lagu xidh, Dandan, Banyaal iyo Horufadhi ayey ka gudbnaa oo laamiga waada-ma-goo ayey ka fuulaan, Dhammaan gaadiidkaasi waxaa lagu canshuuraa kastamo ay Soomaaliland leedahay oo deegaanadii ay xukumi jirtay Dhulbahante ee Laascaanood ugu weyneed aysan ka mid ahayn, waana deegaano beesha Isaaq leedahay sida Balidhiig, Caynabo, Kastamka Beer, Kastamka Oodweyne, Kastamka Qoryaale, Kastamka Baligubadle iyo qaar kale, Waxaana baaburta waa weyn ee qudaarta, alaabta ama xoolaha sida calaa gaari laga qaadaa lacag, celcelis ahaan dhan laba kun oo dollar (2,000$) halkii mar ee u gudbayo.

Colaada iyo Hakinta Gaadiidka hakinta waxay curyaaminaysaa dhaqaalaha Maamulka Somaliland oo dhaqaale adag ka heli jirtay Gadiidka iyo Badeecooyinka waddooyinkaasi isaga gudbi jiray.

247850cookie-checkSaameynta Dhaqaale ee ka dhalatay Isku-socodka Dadka & Ganacsiga Degaanada Dhulbahante iyo kuwa Isaaq.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com