Ma Dhabaa in 2-Warbaahin Dowlada leedahay Hawada laga saaray

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Muddo todobaad ah waxaa hawada ka maqan labo ka mid ah Mareegaha internet-ka ee Dowladda Federaalka, iyadoo aysan jirin faahfaahin laga bixiyey ciladaasi, horey ayeey Warbaahinta Madaxtooyada u jabsadeen Taageerayaasha Maamulkii Farmaajo…

Xogtaan aya sheegtay in Website-ka Radio Muqdisho iyo Wakaalada wararka Sonna ayaa labaduba laga waayey hawada, Xubno ka shaqeeya Warbaahinta Dowladda ayaa xaqiijiyey in maalmo ka hor hawada kabaxeen labada website ee Sonna.so iyo radiomuqdisho.net iyagoo ka gaabsaday in ciladaas ay inoo sheegaan waxay aheyd.

Warar aan xaqiijin ayaa sheegaya in koox burcada internetka ah ay weerareen mareegahaasi iyadoo loo maleynayo in taageerayaasha Farmaajo oo kaashanaaya kooxda argagixisada ay virus kusoo fureen labadaas website, Maamulka Xasan Sheekh ayaa sheegay inay la dagaaalameyso baraha internetka ay argagaxisadu adeegsadaan.

229510cookie-checkMa Dhabaa in 2-Warbaahin Dowlada leedahay Hawada laga saaray