Qatar Oo Ergay Gaar ah U Soo Direyso Somalia

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Maamulka Qatar ay u soo dirayso Somalia ergay gaar ah todobaadka soo socdo, Ergeygaan oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq Alqaxdaani ayaa ah Ergeyga Wasaarada Arrimaha Dibeda xagga la-dagaalanka argagixisada iyo Wada hadalada Kooxaha mintidiinta Hubeysan….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Ergayga Qatar uu doonayo inuu la kulmo dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya Siyaasada Somalia iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Soomaalida badankeed iyo wakiilada beesha caalamka ayaa rumaysan in Qatar ay tahay maalgeliyaha dowladda Farmaajo tan iyo 2017, iyadoo bixisa kharashka howlgallada ciidan iyo siyaasadeed, isla markaasna Mas’uul ka ah Siyaasadaha fashilka ee Farmaajo.

Todobaadkii hore ayeey wasaaradda arrimaha dibada ee Qatar beenisay warar diblomaasiyadeed oo ku eedeeyay inay lacago boorso lagu qaado soo mariso Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yasin.

Xogaha qaar ayaa tilmaamayo, inay Qatar doonayso inay Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka u muujiso inaysan taageero gaar ah u haynin Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo.

115510cookie-checkQatar Oo Ergay Gaar ah U Soo Direyso Somalia