Cudurka Sanboorka & Sida Looga Hortegi karo (Maqaal Caafimaadka)

Health

Cudurka Sanboorka ee ka dhasha xasaasiyadda loo yaqaano Rhinitis-ka, ee horseeda in qofka uu dareemo ciriiri dhanka neefsashada sanka ah, hindhiso soo noqnoqota, weji cuncun iyo neefsashada oo ku adkaata qofka, badanaa way ka sii dartaa xilliga dayrta ama jiilaalka waxayna ku xiran tahay waxyaabaha qofka ku kiciya ee ka dhasha deegaanka qaarkood sida boorka, dhogorta xayawaanada iyo manka geedaha…

Inkasta oo sodonkii sano ee lasoo dhaafay loo maray waddo dheer sidii dawo loogu heli lahaa sanboorka- arrinta dhabta ah ee la ogaaday ayaa in aan la helin dawo ka hortaggi karto xasaasiyadda (rhinitis), iyadoo seynisyahano badan ay aaminsan yihiin in wax xal ah aan loo heli doonin cudurkan.

San xiranka

Sanka wuxuu leeyahay duleylo, qaabab iyo habab dhowr ah oo uu uga hortagayo gelitaanka walxaha halista ah, kuwaasoo dhaawici kara shaqada sambabada.

Tusaale ahaan: qiyaas in fayraska uu isku dayayo inuu soo galo sankaaga. Jirka wuxuu sameynayaa wax walba si uu u eryo feyraskaas sida ugu dhakhsaha badan si looga fogaado dhibaatooyin waaweyn.

Falcelinta jirka

Dr. Antonio Condino, oo ka tirsan machadka Sayniska ee Jaamacadda São Paulo ee dalka Brazil ayaa sharxayaa in falcelinta difaaca jirka ee sababta sanboorka uu yahay mid aad u adag maadama uu howlgeliyo noocyo kala duwan oo unugyada jirka ah.

“Mid ka mid ah unugyada dhiiga cad ee jirka ee ku lugta leh habkan waa unugga weyn, kaas oo sii daaya maaddada la yiraahdo Histamine,” ayuu yiri

Sidee looga hortagi karaa sanboorka?

Tallaabooyinka lagu xakameyn karo sanboorka waxaa kamid ah sare u qaadidda nadaafadda guriga.

“Qolka waa inuu noqdaa mid hawo wanaagsan leh, in guriga lagu sameeyo nadiifin joogto ah, in roggaga iyo go’a la baddelo toddobaadkii hal mar iyo in guriga laga ilaaliyo boorka iyo waxyaabaha kale ee kiciya xasaasiyadda” ayuu yiri Jane da Silva oo ka tirsan jaamacadda Brazil una qaabilsan cudurrada ka dhasha difaaca jirka iyo xasaasiyadda.

187680cookie-checkCudurka Sanboorka & Sida Looga Hortegi karo (Maqaal Caafimaadka)
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com