WHO Oo Digniino Caafimaad oo Adag Ka soo Saartay Sharoobooyinka Qufaca ee Caruurta

Somalia news

Digniino Caalami ah ayaa laga soo saaray 4-Sharoobo oo kuwa Qufaca Caruurta lagu daweeyo, kadib markii ay 66-Caruur ah ay Dalka Gambia ugu geeriyoodeen Isticmaalka Sharoobooyinkaasi, qeylo dhaantaan ay ka dhalatay 4-nooc oo Sharoobadaan ah lana xiriiriyay geerida Caruurta…

Khubarada Cafiimaadka Caruurta ayaa la xiriiriyay in Sharobadaasi ay dhaawacyo halis ah ku reebto Kilyaha, iyadoo Sharoobooyinkaani ay soo saaraan Shirkad laga leeyahay Dalka India laguna magacaabo Maiden Pharmaceuticals, iyadoo Milkiilayaasha Shirkadani ay ku guuldareysteen iney bixiyaan damaanad qaad la xiriira badqabka daawada.

Mas’uuluyiinta Shirkada ayaan weli ka hadlin dhacdooyinkaan qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamiga ah oo xiriir la sameeyay Xarunta Shirkada ayaan jawaab ka helin, Mas’uuliyiinta Caafimaadka India ayaa WHO ka codsaday iney la wadaagaan caddeynta muujineysa xiriirka ka dhaxeeya Sharoobada iyo dhimashada, iyadoo Saraakiisha WHO ay magacyada Daawooyinka laga shakisan yahay ay kala yihiin Promethazine Oral Solution, Kofexmalin baby Cough Syrup, Makoff Baby Syrup iyo Magrip N Cold Syrup.

217790cookie-checkWHO Oo Digniino Caafimaad oo Adag Ka soo Saartay Sharoobooyinka Qufaca ee Caruurta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com