Maamulka Deeqaha Abaaraha & Khilaafka Ka Dhashay Qeybta Mucaawinada

Somalia news

In muddo ah waxaa si muuqata u taagnaa Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya cidda Maamuleysa Mucaawinada la soo yaboosaday, iyadoo uu jahwareer ka dhashay qaabka ay Dowlada Federaalka u wajaheyso Abaaraha iyo Qeybinta Deeqaha…

Maalmo yar kadib markii Madaxweynaha loo doortay (Xasan Sheekh) Wuxuu magacaabay Ergeygiisa gaarka ah (Cabdiraxman Cabdishakuur) ee Abaaraha, iyadoo dood xoogan laga keenay inuu Xilkaan qaban karo Xildhibaan, inkastoo uusan Xilkasn ku qaadan Mushaar, Xafiisna laheyn ee uu yahay “Samafale”.

Muddo kadib markii uu Howlgal wanaagsan uu sameeyay (Ergeygu) ayaa waxaa soo shaac baxay in Madaxtooyada iyo Xafiiska Wasiirka 1-aad ay arrinta ka dhigeen ”Ku qabso ku qadi meysid”, waxeyna dhiseen Guddiyo kale oo howlihii Ergeyga si toos ugala wareegaya, si dhaqaalaha ka soo xarooda deeqaha loo dhaco sida ku cad Sawirka hoosta ku xusan.

Talaabadaan ayaa durbadiiba waxey dhalisay inuu khilaaf ka dhasho, iyadoo warar hoose ay sheegayaan in Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha uu ka fekeraayo inuu Xilkaasi iska casilo, kadib markii Wasiirka 1-aad uu Xafiiskiisa hoos geeyay Maamulka Abaaraha, Dad badan ayaa u fasirtay Mahmaahda kor ku xusan oo soo shaac baxday Xiliyadii Nidaam & kala dambeyn la’aanta.

208180cookie-checkMaamulka Deeqaha Abaaraha & Khilaafka Ka Dhashay Qeybta Mucaawinada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

4 thoughts on “Maamulka Deeqaha Abaaraha & Khilaafka Ka Dhashay Qeybta Mucaawinada

  1. Durbadiiba Deeqaha Abaarta miyaa iyadoo aan la keenin la isku dagaalay, waa ayaan darro Koley Kooxdaan Dalka iyo Dadka toona uma hayaan Talo Wanaagsan (Allow ka soo gaar).

  2. Ogaadeen Waa ku ogeyn Qaxooti Lakin Abgaal inuu ku biiro Dhaca Mucaawinada tuugsiga lagu keenay Waa ayaan darro

  3. Ma durbadiiba suuqa Bakaaraha ayuu geystay Deeqdii UAE “War Hasha Qaruufka ka daaya” Duf ku baxa

  4. Ma durbadiiba suuqa Bakaaraha ayuu geystay Deeqdii UAE “War Hasha Qaruufka ka daaya” Duf ku baxa

Comments are closed.