Koox Dabley oo Imam Masaajid ku Dishay Magaalada Mogdishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa fal dil ah oo ay geysteen Kooxo bisloolado ku Hubeysan oo xalay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dileen Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi, oo ahaa imaamkii masaajidka Dabaqeynka ee Degmada…

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Dableydaan bistoolado ku Hubeysneyd dhowr xabadood ku dhufteen Imaamka Masjidka caanka ah ee Dabaqeynka kadibna goobta si degdeg ah uga baxsaday.

Xoogaga Amaanka ee ka howlgala Degmada Dharkeenley ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxeyna halkaasi ka fuliyeen howlgalo aan lagu baadi goobaayo kooxihii dilka geystay, inkastoo aysan ku guuleysan, Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyada dilkan caawa loo geystay Marxuumka.

224550cookie-checkKoox Dabley oo Imam Masaajid ku Dishay Magaalada Mogdishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com