Ma Dhabaa in Howlgelinta Ciidamada Laga Keenay Eritrea uu u Xayiran yihiin Ansixinta Heshiiska Somalia & UAE

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa muujinayaa in Howlgelinta Ciidamada laga soo celiyay Eritrea ay u xayiran yihiin Howlgelintooda Heshiiska Somalia & UAE ee la horgeeyay Barlamaanka si loo ansixiyo, inkastoo ay soo baxayaan Caqabado iyo jilaafooyin ay wadaan Xildhibaano taageersan Maamulkii Farmaajo…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in buuqo xoogan uu dhaliyay Heshiiska UAE & Somalia wallow ay Dowlada difaacday meeshana ka saartay tuhumada jira, kuwaasoo ay Taageerayaasha kooxda Farmaajo ku eedeeyeen Maamulka Xasan Sheekh in Heshiiskaani uu wax u dhimaayo Siyaasada Amaanka iyo Madaxbanaanida Dalka, isla markaasna Siyaasadoodii Dhismaha Ciidamada loo gacan geliyo Dowladda UAE.

Wararka ayaa sheegay in Heshiiskani qodobo ka mid ahi ay si toos ah loola xiriirinaayo Qalabeynta Gaadiidka, Hubka iyo Gunooyinka Ciidamadaan iyo kuwo tababarada loogu diray Dalalka Masar, Uganda iyo Eritrea ay balanqaadeen Dowladda UEA taasoo ay aad u diidsan yihiin Xildhibaanada Taageersan Maamulkii Farmaajo una arka in Guusha mirihii ay beereen laga weecsaday.

Tan iyo markii dib loogu soo celiyay Ciidamadaan Dalka, kuwaasoo 3-Xero ku kala yaal Caasimada ku kala jira, loo diyaariyay iney qeyb ka noqdaan Duulanada Dowladda u qorsheysay iney ka bilaabaan Degaanada Jubooyinka iyo Konfur galbeed, ayaa waxaa soo shaac baxaaya shaqaaqooyin iyo gadood hubeysan ay sameynayaan kuwaasoo salka ku haya Mushaar la’aan iyo ineysan Dowladda ka helin daryeelkii ay ka filayeen taasoo horseeday inuu Madaxweynaha tiro dhowr jeer ah uu tago xaaladana dejiyo.

241460cookie-checkMa Dhabaa in Howlgelinta Ciidamada Laga Keenay Eritrea uu u Xayiran yihiin Ansixinta Heshiiska Somalia & UAE
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com