Ma Dhabaa In Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia la dhigay Isbitaal ku yaal Dalka Imaaraadka Carabta

Africa News

Macluumaad ayaa laga helayaa xaalada Caafimaad ee Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo todobaaadyadii ugu dambeeyay laga waayay saaxada Siyaasada, iyadoo Dowlada Dalkaasi ay soo food saareen Xaalado Amni oo khatar gelin kara Midnimada Qowmiyaha kala duwan ee ku bahoobay Federaalka Ethiopia…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Mr.Abiy Axmed oo muddo todobaadyo ah aan ka soo muuqan fagaarayaasha, ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay Isbitaal ku yaal Dalka Imaaraadka Carabta, isagoo la il daran xanuun dhabarka ah oo ku daba dheeraaday.

Maalinimadii Arbacada aheyd ayaa la sheegay inuu ka baaqsaday la kulanka Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Russia Mr.Sergey Lavrov, kaasoo booqasho ku tegay magaalada Addis abeba, habmaamuus ahaan aheyd inuu qaabilo, si looga wada hadlo Xaaladaha ku cusub Aduunka gaar ahaan Raashin yarida soo food saartay.

Dhanka kale Todobaadkii tagay waxaa markii ugu horeysay gudaha Dalka Ethiopia u galay qiyaastii 150-KM Maleeshiyaad hubeysan oo daacad u ah Kooxda Argsgixisada Shababka kuwaasoo dagaal faraha looga gubtay oo khasaare badan dhaliyay la galay Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, waxaana warbixinada dagaalka Wariyayaasha siinayay Madaxa Dowlad Degaanka Soomaalida, talaabadaan oo banaanka soo dhigtay Maqnaanshaha Mr.Abi Axmed.

204320cookie-checkMa Dhabaa In Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia la dhigay Isbitaal ku yaal Dalka Imaaraadka Carabta

2 thoughts on “Ma Dhabaa In Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia la dhigay Isbitaal ku yaal Dalka Imaaraadka Carabta

  1. Ma aniga ayaa la yaabin maqnaanshaha Abiy Oo Kooxda Argagixisada Shabaabka ay weerareen Dhulka Somalida-Ethiopia

Comments are closed.