Wasiirka Gaashandhigga Oo Looga Digay inuu Yimaado Degaanka Maxaas ee Hiiraan..

Somalia news

Waxaa sii kordhaaya naceybka iyo carada loo qabo Koox is uruursatay oo lagu eedeeyay iney ka macaashaan Dhiiga Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo uu hormuud u yahay Wasiirka Gaashandhigga (Mr.Tik Tok) iyo saaxiibadiisa (Shabakada cusub) oo mas’uul ka ahaa dib u dhaca Ciidamada XDS..

Ergeyga u qaabilsan Madaxweynaha Arrimaha Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ee Goobaha Dagaalada Mr.Maxamed Cabdi Waare ayaa uga digay Madaxweynaha in Safarkiisa Magaalada Maxaas uu ku wehliyo Wasiirka Gaashandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur, Ergeyga oo Bartiisa X soo dhigay Qoraalkaan hoos ku qoran:-

Ergeyga ayaa su’aal ka keenay daacadnimada Wasiirkaan oo horey uga tirsanan jiray Kooxda Shababka sanadkii 2011-kii looga masaafuriyay Madaxtooyada Villa Somalia xiriirkiisa argagixisada, kadib markii lagu eedeeyay inuu Basaas u yahay Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo loo bedelay inuu noqdo Qunsulka Somalia ee Turkiga.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Wasiir Cabduqaadir uu diiday talo ka timid Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka (Ibraahim Sh.Muxyadiin), kuna aadaneyd in aan Fariisin aan looga sameynin Degaanada Galcad iyo Cowsweyne, maadama dabeecada dhulka ay u sahleyso kooxda Shababka iney weeraraan Ciidamada, iyadoo Go’aankaasi uu sababay dhimashada Tiro badan oo Ciidamo ah.

275340cookie-checkWasiirka Gaashandhigga Oo Looga Digay inuu Yimaado Degaanka Maxaas ee Hiiraan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com