Maxaa Xiligaan Keenay Muddo Kordhinta Maamulada Gobolada Dalka

Somalia news

Warbixino muddo dheer laga diyaarinaayay Madaxda Maamulada Gobolada Dalka ayaa muujineysa iney Afduub ku heystaan hirgelinta Dastuurka KMG ah sida Mideynta Dhaqaalaha,Canshuuraha, Siyaasada Arrimaha Gudaha iyo Difaaca, waxeyna khatar ku yihiin Midnimada & Wadajirka Qaranka…

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay in Maamulada Konfur galbeed, Jubbaland ay ku dhawaaqeen iney wax ka bedel ku sameeyeen Muddada xil heynta Madaxweynaha oo horey u ansixiyeen Odayaasha Dhaqanka taasoo dhigeysay iney Muddo 4-sano ay tahay, haddana ka dhigteen 5-sano.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu qorsheynayo inuu sameysto muddo kororsi hal sano ah, wuxuuna Baarlamaanka Galmudug culeys ku saaray iney guddi gaar ah u xilsaaraan dibu eegista Dastuurka qodobadiisa qaar kamid ah, gaar ahaana mudo xileedka Hay’adda maamulkaas.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa intii ay joogtay Maamulkii Fashilmay ee Farmaajo u sameeyay muddo kordhin hal sano ah Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, inkastoo Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta degaanka ay aad uga soo horjeysteen Talaabadaasi, Hadana Maamulka cusub ee Xasan Sheekh ayaan weli ka hadlin.

210660cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Muddo Kordhinta Maamulada Gobolada Dalka