Pentagonka (USA) Oo Warbixin ka soo saaray Kororka Weerarda kooxaha Argagixisada

Africa News

Guud ahaan rabshadaha iyo colaadaha kooxaha maylka adag ee Islaamiyiinta hubeysan ee Qaarada Afrika ayaa afar—jibaarmay ku baahay dalal badan 3-dii sano ee u dambeysay, sida ay muujinayaan warbixin laga soo saaray Waaxda Difaaca ee Dowladda Mareykanka (Pentagon)…

Kororka xad dhaafka aj ee kooxaha argagixisada ayaa ku soo beegmaaya, iyadoo howlgalka Mareykanka ee ka hortagga argagixisada uu ka socdo Dalal badan oo ay Somalia ku jirto, iyadoo lagu xusay in Somalia korarku rabshadaha kooxda Shababka uu gaaray 11% ee ”dhacdooyinka iyo dhimashada” sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa la diiwaan geliyay 2,221 dhacdooyinka rabshadaha wata, korarkuna gaaray 45%, marka loo eego 3-dii sano ee u dambeysay 2018-2021, Makeeshiyaadka kooxda Shababka ee xiriirka la leh kooxda Al-qa’ida ayaa baahiyay afkaartooda qalafsan iyo xirirkooda kooxaha kale ee Islaamiyiinta hubeysan waxeyna ku dhiiradeen iney dhaqaale u diraan Kooxaha argagixisada ee dagaalada ka wada Congo, Mozambique, Nigeria iyo Mali.

Warbixinta ayaa waxey ka hadashay hoos u dhaca rabshadaha kooxaha argagixisada ee ”Harada Chad) iyo koror dhexdhexaad oo rabshadaha xiriirka la leh kooxda xagjirka ee dagaalada ka wada Dalka Mozambique, marka la qiimeyn lagu sameeyo kororka howlgalada kooxaha argagixisada intii u dhaxeysay sanadihii 2018-kii ilaa 2021-kii.

220190cookie-checkPentagonka (USA) Oo Warbixin ka soo saaray Kororka Weerarda kooxaha Argagixisada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com