Wadaad Ka Digay Dhibaatada Ka Dhalan Karta Doorsho La’aanta

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya in Taageerayaasha jadbeysnaa ee Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ay bilaabeen iney doonta sii dageysa ka degtaan, halka qaar kale la sheegay in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay, isla markaasna bilaabay iney dhaliilo u jeediyaan….

Wadadii Madaxda ka ahaa Masaajidka Madaxtooyada Sheekh Cali Wajiis ayaa xalay ka Hadlay Masaajidka Dayax Salaad Ii Cisha kadib, wuxuuna ka digay khatarta ka dhalan karta in dalku uu firaaq galo marka uu dhamaado muddo xileedka dowladda hada jirta (Power Vacuum) haddii aan laga heshiin doorashada.

https://www.facebook.com/taliso.abdulle/videos/1199642740397373/

“khatarta la wajahaayo waxa waaye haddii dowladda hada jirta aysan xilligii loogu tala galay oo sharciyadeydii afarta sano aheyd aysan doorasho ku qaban, ragga mucaaradka iyo siyaasiyiinta aysan soo tanaasulin oo aysan ogolaanin muddo intee la eg hala ekaato inta Xaliima Yarey sheegtay ha noqoto ama ka yar ama ka badan muddo loogu tala galay in doorasho ay dhacdo noocee doonto ha ahaatee aysan ku heshiin madaxda qaranka, maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta, dalku markaas firaaq ayuu galayaa waana khatar, taasaa marka u baahan in qeybaha bulshada culimada, ganacstada inay ka shaqeeyaan in la isu soo jiido siyaasiyiinta, mucaaradka iyo dowladda hada talada heysa intaba si dalka khatar u gelin”

45640cookie-checkWadaad Ka Digay Dhibaatada Ka Dhalan Karta Doorsho La’aanta