Ergeyga Abaaraha Oo Ka Digay Gumaadka Shacbiga ee Kooxda Argagixisada Shababka

Somalia news

Ergayda Abaaraha Somalia, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Dawladda ugu baaqay inay la timaado qorshe abaabul oo heer qaran ah oo kooxda Shabaab la iskaga celiyo, Wuxuu sheegay Shacabka oo abaar ba’an la tacaalaya inaysan colaad iyo gumaad xamili karin…

Xildhibaanku wuxuu sheegay Dowladda Federaalka in xaq loogu leeyahay in aan shacabkeeda horteeda lagu gumaadin, laguna gumaysan, “Cadowgu wuxuu doonayaa in uu tusiyo in aysan jirin dawlad ay isku halleeyaan oo ay dullaysigooda aqbalaan. Gulufka dagaal iyo gurmadka abaabul ee loogu hiillanayo shacabka uu Shabaab gumaadayo, waa in uu heer qaran noqdaa,” ayuu yiri Ergayga gurmadka Abaaraha.

Wuxuu sheegay in dowladdu haysato fursad Shabaab looga takhalusi karo, mar haddii buu yiri ay shacabkii diyaar u yihiin in ay iska dhiciyaan Alshabaab. Wuxuu tilmaamay fursadan oo kale inay dowladdii hore soo martay, markii uu dhacay xasuuqii Zoobe.

Wuxuu ugu dambayn ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee habeen hore lagu laayay gobolka Hiiraan, isagoo sheegay inuu yahay ficil muujinaya in Shabaabka aysan u kala soocnayn Dowladda iyo Shacabka aan hubaysnayn.

211620cookie-checkErgeyga Abaaraha Oo Ka Digay Gumaadka Shacbiga ee Kooxda Argagixisada Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com