Maxaa Ka Dhab ah in Markab Kuwa Xamuulka ah uu ku caariyay Xeebta Bosaso

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Markab kuwa xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya ayaa ku soo caariyay meel ku dhow dekedda magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (Puntland)sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta degaanka…

Markabkaan ayaa qaadi ka qaadi lahaa dekedda Boosaaso xoolo loo iib geynayo seeladaha dalalka khaliijka, Waxaana ku timid cilad farsamo, kadib markii ay shaqeyn weyday halka laga hago (shukaanta) Markabka, Mas’uul ka tirsan Maamulka Saciid Dani ayaa sheegay in Markab markii hore ay ku timid cilad, taas oo la xaliyay shalay galab, balse markii uu soo geli lahaa Dekedda uu ka leexday Channel-kii uu soo ku socon lahaa.

Wuxuuna intaasi raaciyay in Markabku uu u soo baxay dhanka bannaanka Dekedda oo biyuhu ku yar yihiin, ayna rajeynayaan in marka biyuhu soo kordhaan saacadaha soo socda uu kasoo jiidi doonaan kuna soo xirto Dekedda, Ma aha markii ugu horreysay oo markab uu ku caariyo Dekedda Boosaaso, iyadoo loo aaneynayo in ay ciid ka buuxsantay Channel-lada ay dekedda kasoo galaan maraakiibta iyo gudaha dekedda.

216760cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah in Markab Kuwa Xamuulka ah uu ku caariyay Xeebta Bosaso