Ma Dhabaa in Saciid Dani Lagu wado in Loo Magacaabo Ra’iisul wasaare

Somalia news

Inkastoo xafladda xil wareejinta Xarunta Villa Somalia la iclaamiyay in dhacdo 23-ka bisha oo ku beegan berito qabanqaabadeeduna socoto, ayaa waxaa soo xoogeysanaaya in musharaxiinta u taagan in loo magacaabo Wasiirka 1-aad ay u badan tahay Mr. Saciid Deni…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Dani ay la kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh ayna hordhigeen soo jeedintooda ku aadan in xilka Wasiirka 1-aad uu u magacaabo Mr.Saciid Dani wuuna ka aqbalay.

“Labada Maamul waa kula shaqaynaynaa garbana waa u noqonaynaa Maamulkaada ee Xilka Ra’isul wasaaraha u magacow Mr.Deni, ayuu kula dardaarmay Sheekh Axmed Madoobe, Saciid Deni 5-maalmood kadib waxaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laaban doonaa Magaalada Mogadishu halkii uu ka aadi lahaa Garowe sida xogtu xaqiijineyso.

190040cookie-checkMa Dhabaa in Saciid Dani Lagu wado in Loo Magacaabo Ra’iisul wasaare
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com