Sare u Kac ku yimid Qiimaha Cododka Xildhibaanada & Senatarada

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Teendhada Afisioni ayaa sheegaya maamulka Qabanqaabinaaya doorashada ayaa Warbaahinta madaxa banaan saaka ka hor joogaaday iney soo tebiyaan doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS oo doorashadiisu ay ka dhacayso Hoolka doorashada ee Afisyooni….

Talaabadaan ayaa u muuqata mid la doonaayo in lagu xakameeyo hanaanka Doorashada, nasiib darro, waxaa ilaa xalay gudaha magaalada ka socday dhaqdhaqaaq lagu kala iibsanaayo Xildhibaanada iyo Senaterada, wuxuuna qiimaha kala iibsiga gaaray halkii ugu sareysay.

Lacagta ilaa hadda Musharaxiinta kaashka u bixiyeen lagu qiyaasay 40-K 50-K 60-K 70-K, halka Villa Somalia 80-K oo Akoon ku bixineyso aan ilaa hadda Xildhibaannada iyo Senaterada aysan u soo dhicin, waxaana taagan tuhun dhinacyada u dhaxeeya.

Sidoo kale Lacag qeybinta waxaa welwel xoogan laga muujiyay Lacgaha Been abuurka ah iyo lacago jeex jeexan, balse waxaa bedeshay Akoonkaga soo dir iyo magacaga oo saddexan, iyadoo wali Xildhibaannada laga qoray akoonada aanay u soo dhicin, tiiyoo Xubno ka tirsan Baarlamaanka ay Teendhada Afisyooni ku sii qulqulayaan.

Fiiro gaar ah:-Bangiyada Magaalada ayaa iska diiday in lacag laaluush ah la dhex mariyo, waxey u badan tahay in sheekadii Account to Account ay soo xirmatay!

188860cookie-checkSare u Kac ku yimid Qiimaha Cododka Xildhibaanada & Senatarada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com