Tartanka Kubada Cagta Aduunka oo maanta ka furmaaya Magaalada Dooxa

Sports World

Dalka Qatar ee  ku guuleystay martigelinta Koobka Adduunka 2022 ayaa diyaargarowgii ugu dambeeyay ugu jirta sidii uu soo dhaweyn lahaa taageerayaasha Xulalka, Madaxda Hay’adda ugu sarreysa Kubadda Cagta ee FIFA, Dadka Xiiseeya Kubadda Cagta & Ciyaartoy kabaha waqtiyo kala duwan iska siibay…

Waxaana lagu wadaa in Xaflada furitaanka markii ugu horeysay laga akhriyo Aayadaha Qur’aanka Kariimka, iyadoo ay 32da xul ee nasiibka u yeesheen iney ka qaybgalaan tartankaan, 64-ciyaarood ayaa la qorsheeyay iney dhacaan kaasoo socan doonaa 20-ka Novembar ilaa 18-ka Decembar 2022-ka, waxaana lagu wadaa iney 36-garsoore ay dhexdhexaadiyaan ciyaaraha 6-kamid ahi ay Dumar yihiin iyo 69-ka kalkaaliyayaal.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in dedaal xooggan ay gelisay sidii ay u adkeyn lahayd dhinac Amni, maamuus & dhammaan waxyaabaha ku xeeran Koobka Adduunka 2022 si martigelintoodu u noqoto mid aanay xusuusta ka go’in.

Waxaana ka qeyb geli doona Madaxweynayaal, Boqoro, Ra’iisul wasarayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casumay Xaflada furiraanka, waana markii ugu horeysay ee taariikhda Tartanka Kubada cagta lagu qabto Dal Carbeed, iyadoo Dowlaha reer galbeedka ay diidmo xoogan ka muujiyeen qabashada tartanka.

226420cookie-checkTartanka Kubada Cagta Aduunka oo maanta ka furmaaya Magaalada Dooxa