Ma Dhabaa in Ururkii Gorgor ee Gobolka Gedo Dib loogu soo Celinaayo Caasimada

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaanaya in kadib markii culeysyo badan lagu saaray Madaxweynaha Somalia inuu ka soo qaado Ciidamada ku sugan Gobolka Gedo gaar ahaan Ururka Gorgor loona soo wareejiyo Gobolada Shabeelooyinka si ay uga qeyb qaataan dagaalada looga sifeynaayo kooxda argagixisada…

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu amar ku siiyay Wasiirka Gaashandhigga in laga soo celiyo Ururkaasi Gobolka Gedo, inkastoo sarkaal u hadlay Gobolka Gedo uu sheegay “Degmada Baladxaawo AMISOM ma joogto, waxaa amaankeeda masuul ka ah Ururka Gorgor, hadii laga soo qaadana waxay keeni kartaa khataro culus”.

Ciidamadaan oo ay Gobolka Gedo waxaa loogu daabulay anar ka soo baxay Farmaajo, si loo sugo Amaanka Beeshiisa iyo xaduudka Kenya, waxeyna muddo dheer noqdeen Ciidanadaan ku fadhiid ah, inkastoo tiro badan oo Ciidankaan la sheegay iney baxsadeen markii ay maqleen in dib loo soo celinaayo.

228590cookie-checkMa Dhabaa in Ururkii Gorgor ee Gobolka Gedo Dib loogu soo Celinaayo Caasimada