Ciidamada Kenya Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Degaanada Kulaala Xadka Somalia

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya deganada ku yaal xadka u dhaxeeya Kenya iyo Somalia ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay adeega Internet-ka ka xayireen 200 oo goobood oo ku yaal Miyigi degmooyinka Gaarisa, Mandheera, Wajer, Samburu, West Pokot iyo Marsibet, sida laga soo xigtay ilo xogogaal ah…

Agaasimaha KMG ah ee Hey’adda Idgaarsiinta Kenya Mercy Wangjua oo hortagtay Barlamaanka dalkaasi ayaa u sheegtay in sababta ay talabaadani u qaadeen ay la xiriira amni darrada sii kordheysa iyo Cadaawada ka imaaneysa Dadweynaha Soomaalida iyo kuwa kale ee degaanka.

Sida ay wararku ay sheegayaan Shaqaale 11 ka mid ahi barahaasi oo la farmuuqay ayaa si rasmi ah u joojiyay howlihii aedeega ahaa ee ay dadka u hayeen, Mrs.Wanjau ayaa intaasi raacisay in si gaar ah xayiraada loogu soo rogay adeega 2G, kasoo aanan laheyn xawaaraha u qalma midkii ay heysteen,

Qandaraasleyda adeega Internet-ka ayaa lagu wargeliyay iney joojiyaan shaqada, kadib markii saraakiisha Ciidamada iyo Sirdoonka ay cabasho xoogan ka muujiyeen adeegsiga kooxaha argagixisada ee Inetnet-ka, Mrs. Mercy ayaa intaasi raacisay in Bartamaha sanadka 2022 ay xayiraado ku soo rogi doonaan Degaanada Turkana, Meru, Laikapia, Isiolo iyo Tana River.

55660cookie-checkCiidamada Kenya Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Degaanada Kulaala Xadka Somalia