Ergada Waqooyiga Oo Laga Uruurinaayo Somaliland Iyo Kilinka Soomaalida Ethiopia

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Olole balaaran oo Ergada Waqooyiga Somalia laga uruurinaayo magaalooyinka Hargeysa, Burco Iyo Magaalada Jigjiga (Ethiopia), kadib markii Maamulka Farmaajo uu aad u saluugay Odayaasha Dhaqanka Ee Waqooyiga oo ku sugan Magaalada Muqdisho….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Howlgalada lagu uruurinaayo Ergada ay iska kaashanayaan Sarakiil ka tirsan Sirdoonada Ethiopia iyo Somalia waxaana la sheegay in Maamulka Muuse Biixi uu oggolaaday in tiro Odayaal iyo Ergo laga uruuriyo Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Borame iyo Laascaanood.

Mr.Mahdi Guuleed oo ah Kuxigeenka Wasiirka 1-aad ayaa ololahaan Horjooge u ah fulinta Qorshahaasi, iyadoona Ergada loo balanqaaday in laga Bixinaayo Tigidh iyo Hot-eel uu dago Raashina ka cuna oo ku yaalo Dajinaayo magaalada Muqdisho, waxaana xubin kasta loo balanqaaday Dhaqaale dhan 3000-US$ ah markii uu doorto shaqsiyaadka ay Rabaan Kooxda Farmaajo.

71480cookie-checkErgada Waqooyiga Oo Laga Uruurinaayo Somaliland Iyo Kilinka Soomaalida Ethiopia