Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha Ka Ah..

Somalia news

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Wasaaradaha Maaliyadaha ee dowlad goboleedyada ayaa lagu xusay iney si KMG ah u joojiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda, talaabadaan ayaa u muuqata mid cadaadis lagu saaraayo Dowlada Federaalka..

Qoraalka ayeey ku sheegeen (Maamul-Goboleedyadu) in heshiisyada shanta ah ee ka dhacay Adis Ababa, Kismaayo, Kampala, Nairobi iyo Muqdisho, ay jebisey Wasaaraddu sidaas darteed, loo joojiyey wadashaqeyntii, inta ay dib uga laabaneyso Go’aankaasi.

Maxay ahaayeen Heshiisyadu:-

Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta (IMF) waxay ku xujeeyeen in canshuuraha la mideeyo, xisaab-xirkuna noqdo mid daahfuran oo loo soo gudbiyo Wasaaradda Maaliyadda lana heli karo markasta, sidoo kale waxay heshiisyadan qayb ka ahaayeen barnaamijka deyn cafinta ee loo yaqaan HIPC (Debt Relief Under: the Heavily Indebted Poor Countries) soo gaartey heerka wanaagsan.

Federaaleynta Maaliyadda (Fiscal Federalism)

Federaalka waxaa asal u ah nidaamka maaliyadda, iyo canshuuraha waxaana heshiisyadan oo dhan ahaayeen waxa loo yaqaan mideynta cashuuraha dalka oo sicir isku mid ah laga qaado, in alaabaha isaga gudba dowlad goboleedyada aan cashuur laga qaadin, sidoo kale waxaa heshiisyadan kamid ahaa canshuuraha loo yaqaan excise tax ee la saaro sigaarka iyo qaadka, taasoo ah mid ka badan tan caadiga ah, waxayna ahayd kuwa keliya ee dhaqan galay.

Waxaa heshiisyada kamid ahaa sida loo wadaagayo kheyraadka dalka, ee ay u qaybsanayaan dowaldda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee jamhuuriyadda federaaliga ah.

Maxaa hadda la isku hayaa?

Wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka ayaa ka heshay Baanka Adduunka $100-millions oo miisaaniyadda dalka looga taageeray, ama ah kabid miisaaniyad, dhaqaalahaan ayaa dowlad goboleedyadu doonayaan in ugu yaraan 50%, ay iyaga gasho maadaama dalka intiisa badan ay maamulaan, laakiin dowladda Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha ka yahay ayaa dooneysa in lacagtan $100 milyan ah u isticmaasho hawlaha dowladda Federaalka, maadaama xili kala guur ah oo laba maamul is beddalayaan ay ku soo beegmatey.

Sanadkii hore ayeey Hey’adahaan ugu deeqeen Somalia 55-Millions US$ waxaana loo qeybiyay 11-Millions ayaa la siiyay Maamulka Waqooyiga halka Puntland ku soo hagaagtay 9-Millions US$, inta kale waxaa loo qeybiyay 3-4 Millions US$.

210860cookie-checkMuxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha Ka Ah..