Idaacada Bbc-da Oo Qeybo badan Afafka Qalaad ah Albaabada loo laabay Dhaqaale xumi Baahsan Awgeed

World

Dowlada Bowortooyada UK oo xiligaan Dhaqaale xumi aad u baahsan wajaheysa ayaa hadda ku hawlan sidii loo dhimi lahaa shaqada iyo Shaqaalaha Warbaahinta Bbc-da oo mar ahaan jirtay tan ugu saamaynta badan Dunida, talaabadan ayaa u muuqata mid lagu xakameynaayo Dhaqaale xumida..

Wararka ayaa sheegay in Qiyaastii 382 shaqaale ah iney shaqadooda ku waayi doonaan qaybaha BBC xireyso hadda sida ay sheegtay ku war ay soo saartay, Waxaa qeybaha albaabada loo laabayo ka mid ah laamaha Carabiga, Persian, Kyrgyz, Uzbek, Hindi, Bengali, Chinese, Indonesian, Tamil, iyo Urdu.

Isbadaladaan cusub ayaa sidoo waxay saameynayaan Telefishanka BBC Somali oo gabi ahaanba la xiri doono iyo waliba saddexda idaacadood ee raadiyaha ah ee Nairobi laga baahiyo maalin kasta oo qaar ka mid ah a joojin doono.

Talaabadan ayaa la sheegay iney qayb ka ah qorshaha BBC World Service loogu wareejinayo adeegga koowaad ee dhijitaalka ah, BBC laanta la hadasha afafka dibeda ayaa hoos u dhac weyn sameyneysay sanadihii la soo dhaafay, waxaana ka mid ah kuwa hoos u dhaca laga dareemay laanta afka Soomaaliga oo dhegeystayaal badan weysay 10kii sano ee ugu dambeeyey.

216250cookie-checkIdaacada Bbc-da Oo Qeybo badan Afafka Qalaad ah Albaabada loo laabay Dhaqaale xumi Baahsan Awgeed