Ma Dhabaa inuu Madaxweynaha Safaro Shaqo ku Tegi doono Dalalka Deriska ah

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa safaro shaqo uu Madaxweynaha Somalia uu maanta ku tegaayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku joogi doono, iyadoo Safarkaan uu yahay kii 4-aad ee dibada ah..

Xogtaan ayaa sheegtay in Safarkan ayaa lagu wadaa in lagu fasaxo Qaadka Kenya, waxaana Madaxweynaha maalin kadib u buuxsameysa 60 maalmood oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.

Tegista Magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa iney bilow u noqoneysa dib u soo nooleynta xiriirkii Somalia iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay xiriirkii labada dal oo gaaray heer Safaaradaha la kala rarto, intii uu xilka hayay Madaxweynihii hore Farmaajo.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Madaxweynaha uu Safaro ku kala tegi doono magaalooyinka Djibouti iyo Addis abeba, ilaa hadda lama shaacin safarada labada Dal balse warar loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in aragtidiisii doorashada uu ka dhabeeyo ”Somali Heshiis ah Dunidana la heshiis ah”.

200750cookie-checkMa Dhabaa inuu Madaxweynaha Safaro Shaqo ku Tegi doono Dalalka Deriska ah
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com