Joogitaanka Ciidamada Mareykanka Ee Somalia Oo Shaki La Geliyay

U.S.

Kadib markii dhowaan Doorashada USA looga guukeystay Madaxweynaha Mareykanka Mr.Donald Trump, ayaa bilaabay inuu soo dedejiyo qorshe uu dib uga soo celinaayo Ciidamada USA Dalalka ay ka howlgalaan inta aan la gaarin 20-01-2021, xiligaas oo Madaxweynaha cusub uu xilka la wareegaayo…

Wuxuuna bilaabay inuu isbedel deg deg ah ku sameeyo Hogaanka Wasaarada Difaaca USA, iyadoo qorshahaan uu qeyb ka yahay Ciidamada Mareykanka oo ka howlgala Dalalka qaarkood dib looga soo celinaayo, iyadoo si gaar ah farta loogu fiiqay Dalalka Somalia iyo Afghanistan.

Wararka Ayaa sheegay in Qorshahaan uu doonaayo Mr.Trump inuu fuliyo labada bilood Ee soo socota, wuxuuna diyaariyay Saraakiil ku feker ah oo qorshahaan u fulisa, kuwaasoo uu todobaadkaan u Magacabay Xilalka, waana sababta Xilka looga qaaday Wasiirkii Difaaca USA.

Ciidamada USA Ee ku kala sugan Afghanistan iyo Somalia ayaa lagu kala qiyaasaa,4000-Askari (Afghanistan) iyo (Somalia) 500/ Ciidan, wuxuuna Madaxweynaha Mareykanka doonayaa in Ciidamadaan laga soo saaro dalalkaan intuusan dhamaan Sanadkaan, waxeyna talaabadaan dib u dhac ku noqoneysaa Dagaalka laguna jiro Kooxaha argagixisada.

72270cookie-checkJoogitaanka Ciidamada Mareykanka Ee Somalia Oo Shaki La Geliyay