Shirkadaha Europe Oo Loo Fasaxay Mamnuucida Xijaabka

World

Sida ay xukumisay Maxkamada ugu sareysa Dalalka ku bahoobay Midowga Europe, ayaa waxaa Shirkadaha gaar ah u xukmisay (fasaxday) iney shaqada ka joojin karaan Shaqaalaha u shaqeeya iney xirtaan Xijaabka, Go’aankaan ayaa anfariir iyo cabsi geliyay Haweenka Muslimiinta ah…

Xukunkaan ka soo yeeray Maxkamada Cadaalada Midowga Europe ayaa waxaa lagu xusay in Shirkadaha ay ka xadidi karaan Shaqaalaha u shaqeeya iney soo xirtaan astaamaha Diimeed (Xijaabka), iyadoo go’aankaan uu qeyb ka yahay “mamnuucada balaaran Ee nooc kasta oo tusaale Siyaasadeed, falsafad ama Caqiido Diimeed” inta lagu jiro xiliga shaqada.

Sababta ayeey xeer-beegtu Europe ku qalin daartay go’aanka Oday Ayaa ah “ Baahida loo qabo loo shaqeeyaha inuu soo bandhigo sawir dhexdhexaad ah shaqaalihiisa ama looga hortago Khilaaf Bulshadeed, si kastaba ha noqotee Garsoorka Maxkamada Luxemburg ayaa ugu baaqday Xeer beegta Dalalka Europe iney si taxader Leh uga fiirsadaan mamnuucida indha-shareerka inta lagu guda jiro dagaalka Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Xukunkaan ayaa lagu faray Maxkamadaha iney baaraan xuquuqda iyo danaha Shaqaalaha ayna si fiican u eegaan sharciyada dalalkooda u degsan Ee xoriyada Diimaha, Go’aanka dacwadaan ayaa soo baxsaday kadib markii laba Haween Muslimiin ah oo ku nool Dalka Germany laga mamnuucay iney Xijaabka xirtaan xiliga shaqada, Haweenkaan ayaa la xusay iney mid ka mid ahi ka shaqeyneysa Shirkad gaar ah oo maamusha xanaanada Caruurta.

129470cookie-checkShirkadaha Europe Oo Loo Fasaxay Mamnuucida Xijaabka