Macalimiin Hargeysa Lagu Xiray..

Uncategorized

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Howlgalo ay fuliyeen Xoogaga amaanka ee RRU ayaa waxay Magaalada Hargeysa ku xireen laba nin oo macalimiin ahaa.

Macalimiintan ayaa waxay wax ka dhigayeen maclaamad Qur’aanka Kariimka lagu barto, oo ku taala xaafadda Jarrato ee Magaalada Hargeysa.

Xoogaga RRU-da oo watay gaari Cabdi Bille ahaa ayaa Dugsigaasi ka kaxeystay labada macalin oo dhalinyaro ahaa, iyadoo aan la garanayn ujeedada ka dambeysa xarigooda.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inaanay Saraakiisha hay’adaha ammaanka ka hadlin tallaabada lagu soo xiray macalimiintaasi.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Ciidamada Somaliland macalimiin kale oo laba ahaa, ay uga soo qabteen xaafadda Calaamadaha ee Magaalada Hargeysa.

Inta badan laamaha amniga Somaliland ayaan ka hadlin dadka ay gacanta ku soo dhigaan Ciidamada RRU-da, oo u tababaran la dagaalanka argagixisada.

16440cookie-checkMacalimiin Hargeysa Lagu Xiray..