Shababka Oo Soo Bandhigay Hub Ay Furteen

Somalia news

Kooxda argagixisada Shababka ayaa soo bandhigtay hub ay sheegatay in laga qabsaday Ciidamada Maraykanka & ciidamada gaarka ah ee Somalia intii uu socday weerar ka dhacay tuulada Gendershe, ee gobolka shabeelaha Hoose….

Kooxdaan ayaa sheegtay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uuna waday shaqsi naftiis halige ah lagu weeraray fariisimo ay ku sugaaneen ciidamo isugu jiray American iyo ciidamada loo yaqaan Alpha Group, iyadoo sheegtay iney weerarkaas ay ku dileen 5 askari oo uu ku jiro askari American ah.

Afhayeenka howlgallada Kooxdaan, Horjooge Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay inay weerarkaan ay ugu talo galeen sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar lala damacsanaa in lagusoo qaado fariisimadooda, Dowladda Somalia iyo Xafiisyada howlgalka Mareykanka weli kama hadlin sheegashada Kooxda Shababka.

71010cookie-checkShababka Oo Soo Bandhigay Hub Ay Furteen