Madaxii Hey’adda NISA ee Gobolka Gedo Oo Qarax Miino lagu Dilay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Madaxii Hey’adda Nabadsuggida Gobolka lagu dilay tuulo 10-KM u jirta degmada Luuq, Dilka Sarkaalkaan ayaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan, iyadoo uu xiliyadaan uu ka taagnaa Gobolka is-qabqabsi dhanka Canshuuraha ah….

Wararka ayaa sheegay in Madaxii Hey’adda NISA ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa lagu dilay Qarax miino oo dhulka loogu aasay, una geeriyooday, waxaana ku dhaawacmay 6–Askari oo uu ku jiro Wadihii gaariga kuwaasoo la dhigay Isbitaalka, waxaa Gobolka mudooyinka dambe ka taagnaa is-qabqabsi Maamulka Canshuuraha ee Garoomada iyo Kastamada Xadadka Ethiopia iyo Kenya.

Kooxda Argqgixisada Shababka ayaa sheegtay iney ka dambeeyaan Qaraxa Miinada inta u dhaxeysa Luuq iyo Doolow, iyadoo sarkaalkaan uu maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Degaanka waxaa isku haya 3-Kooxood oo Beesha Mareexaan ka soo jeeda Qeybta Sarkaalka dilay oo ku xirnaa xarunta dhexe ee NISA, Garabka Kulane Jiis oo horjooge u yahay Cabdullahi Shimbir oo shalay laga celiyay Garoonka Mogadishu iyo Koox iskeed isku abaabushay oo dhaqaale raadis ah degaanka ka soo jeeda.

230090cookie-checkMadaxii Hey’adda NISA ee Gobolka Gedo Oo Qarax Miino lagu Dilay

1 thought on “Madaxii Hey’adda NISA ee Gobolka Gedo Oo Qarax Miino lagu Dilay

Comments are closed.