Tiro Meydad ah oo la helay lana Beeniyay iney Soomaali yihiin

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa meydad Tahriibayaal ah oo la rumeysan yahay iney ka soo jeedaan Dalka Ethiopia ayaa laga helay meel u dhow Caasimada Dalka Zambia ee Lusaka, sida ay qoreen Warbaahinta…

Mid kamid ah Jaaliyada Soomaalida Ee Zambia oo booqday Isbitaalka ayaa in sheegay Laanta Af-Soomaaliga ee VoA in Dadka la laayay ay yihiin Ethiopian, tiradooduna tahay 27-qof, Dhibanayaasha ayaa loo la cararay Isbitaalka si loo badbaadiyo, Dadkan ayaa ku neef qabatimay Gaari Qalifan oo ay ku safaraayeen.

Halkaan Muwaadinkaan Soomaaliga ah ayaa meesha ka saaraya warar horey loo baahiyay kuwaasoo sheegaya in Meydadka la helay ay Somalia ka soo jeedaan, iyadoo Dalka Zambia uu marin u yahay qaxootiga ka yimaada Dalalka Geeska Africa kuwaadoo tahriib ku gala Dalka South Africa.

230620cookie-checkTiro Meydad ah oo la helay lana Beeniyay iney Soomaali yihiin
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com