Hir-Shabelle Oo Eedeyn U Jeedisay Villa Somalia

Somalia news

Mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka Hir-Shabelle ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowlada Federaalka iney ka gaabiyeen iney Maamulkooda ka taageeraan sugida Amaanka wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad Oo noqotay goobo lagu ugaarsado Mas’uuliyiinta iyo Dadka rayidka ah ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Jowhar….

Gudoomiye Kuxigeenka Barlamaanka Hir-Shabelle Canab Axmed Ciise ayaa sheegtay “In Mas’uuliyiinta Is-maamulkoodu ay dayac amni dartiis ugu baxaayaan gacanta Kooxda argagixisada Shabaabka, Horeyn waan u sheegnay haddana waan ku celinayaa Dowlada Federaalka 4-taan sano ee ay jirtay Oo xili maamuleedkeedu wax yar ka harsan yihiin, ma jirto wax amni ah oo ay kala shaqeeyeen Hir-Shabelle”.

“Hir-Shabelle markii la dhisay Wadada Isku xirta Jowhar iyo Muqdisho amnigeedu Waa ficnaa Oo habeenkii saq-dhexe ayaa la soconaayay, waxaan is leeyahay Maamulka Farmaajo ee Federaalka ayaan gacan naga siinin wax ka qabashada xaaladda Wadada”.

Canab ayaa intaasi raacisay “Wadadaasi waan ku dhamaanay Mas’uuliyiin iyo Shacbi, Dowlada Federaalka waxaan leeyahay u sinaanda Dadka iyo Dalka aad u dgaarateen”. hadalkaan ayaa ku soo beegmay kadib markii Shalay gaari Homey ah lagala degay Xildhibaan Hir/Shabelle duleedka Degmada Balcad, isla markaasna la dilay, iyadoo Meydka Marxuumka lagu xiray Shuruud lacageed iney aastaan Ehelada Marxuumka.

46170cookie-checkHir-Shabelle Oo Eedeyn U Jeedisay Villa Somalia