Farmaajo & Fahad Adeegsiga Kultada NISA Ee Shaqooyinka Hoose

Somalia news

Madaxweynaha muddo xileedku ka dhamaaday oo kaashanaaya Fahad, Qorqor iyo Lafta gareen ayaa fowdo ku haya hanaanka Doorashada Gudoonka labada Aqal, iyadoo la sheegay in Mr Farmaajo uu ku jiro rafashadii u dambeysay ka soo muuqashada saaxada siyaasada..

Farmaajo ayaa amar ku siiyay Shaqasiyaadka xiligaan hormuudka u ah Boliiska & NISA iney u adeegsadaan rasaas Bulshada magaalada Muqdisho ku nool xili 10-kii ugu dambeeyay lagu guda jiro bisha Ramadaanka, waxaa barbar socda dabeylo siyaasadeed oo aad ugu xoogan dhana ka ah kooxda Villa Somalia, iyadoo lagu karkariyo Hoteelada iyo goobaha arimaha doorashada.

Sida ay tilmaameyso xog soo gaartay Warsidahaan waxaa bus-ka Ololaha Farmaajo ka haray Kooxda la magac baxday Kultada NISA kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay 12-Xildhibaan, waxeyna qorsheynayaan iney ku biiraan mid ka mid ah kooxaha Mucaaradka, kooxdaan ayaa saluugay hab-dhaqanka Farmaajo & Fahad.

Xaaladdan waxay imaaneysaa iyadoo saacadihii la soo dhaafay la diiwaan geliyay dhacdooyin xambaarsan Qalalaase oo abuuray kala shaki, Waxaana kamid ah weerarka fashilmay ee Garoonka Aadan Cadde ka dhacay xilli la dhaarinayay xildhibaanadii Ceel waaq lagu soo doortay, iyadoo ay fuliyeen Kooxda NISA ee Garoonka Diyaaradaha.

185330cookie-checkFarmaajo & Fahad Adeegsiga Kultada NISA Ee Shaqooyinka Hoose