Qarax ismiidaamin ah & Weerar ayaa Lagu qaaday Caawa Dhisme ku dhow Villa Somalia

Somalia news

Update:-Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah iyo weerar Maleeshiyo oo abaare 8:00 fiidnimo caawa jugta qarax weyn laga maqlay gudaha Magaalada Muqdisho iyadoo rasaas kadib qaraxa ilaa hadda rasaas xoogan ayaa ka dhaceysa aagaasi..

Xogo loo qaateen ayaa sheegaya Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Villa Rose ee (Dhismihii Cusmaan Kulmiye) oo u dhaxeysa Dugsigii hoose/dhexe iyo dhismihii Safaarada hore ee Jarmalka degmada Boondheere, aadna ugu dhow Madaxtooyada, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisu uu ka socdo Guriga Mukhtaar Roobow, halka warar kale ay sheegayaan, meesha la beegsaday aheyd meel ay deggan yihiin Mas’uuliyiin katirsan Dawladda sida Wasiiro, Xildhibaano iyo Sareeyayaal, amnigeedana aad ayaa loo adkeeyay, waxaana ku dhaawacmay Wasiirka Amniga Gudaha Mr.Doodishe iyo Wasiir kuxigeenka Gaashandhigga Dowladda Federaalka.

Waxaana ilaa la maqlay Todobo Qarax oo culus, dagaal toos ahna waa ka socdaa, iyadoo Xoogaga Amaanka ay wadaan Howlgalo looga sifeynaayo Kooxda Argagixisada.

227720cookie-checkQarax ismiidaamin ah & Weerar ayaa Lagu qaaday Caawa Dhisme ku dhow Villa Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com