Maxaa keenay in Dugsiyadii Waxbarashada Galmudug ay intooda badan Xirmaan

Somalia news

Maamul iyo Dhaqaalo-xumada oo ay sababeen Hogaanka Jilicsan, abaaraha soo-noq-noqday, colaadaha degaanada ka taagan qaarkood iyo sicir-bararka is biirsaday ee ka taagan degaannada maamulka Galmudug, iyadoo Maamulka lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay wax ka qabashada arrimahaan is-biirsaday…

Wararka ayaa sheegaya iney xirmeen shantii bil ee u dambeysay 90-Dugsi waxbarasho, Wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa sheegtay in ay hakad gashay waxbarashada 6,000 oo arday oo dhiganayay Dugsiyadaasi xirmay oo ahaa kuwa hoose iyo dhexe.

Caruurtaan Dugsiyada ka xirmay ayaa la sheegay iney ku soo barakaceen magaalooyinka Cadaado, Dhuusa mareeb iyo kuwo kale, Maamule dugsi oo ka hadlay xaalada Ardayda ayaa sheegay in muddo labo sano ah ay ku soo shaqaynayeen daruufo dhaqaalo yari ah oo dadka aysan awoodin in ay carruurta ka bixiyaan qarashaad joogto ah, balse ay bishii ka qaadayeen $3, taasoo aan ku filnayn macalimiinta iskuulka dhigaysay oo ahaa ilaa shan macallin.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre ayaa sheegay in abaarta iyo colaadaha ka jira deegaanno badan oo Galmudug ah ay si wayn u saameeyeen waxbarashada, isagoo tilmaamay in Wasaaradu ay dib u hawl-galisay 20 ka mid ah xarumahaas halka 70 kale ay wali xiran yihiin. Wasiirka ayaa xusay inaysan jirin miisaaniyad dhaqaale oo maamulka Galmugug uu ugu talagalay waxbarashada.

223320cookie-checkMaxaa keenay in Dugsiyadii Waxbarashada Galmudug ay intooda badan Xirmaan