Qaraxyo Sababay Dhimasho & Dhaawacyo oo kala dhacay Degmooyinka Marka & Afgooye. 

Somalia news

Qaraxyo miino oo sababay dhaawacyo soo gaaray in ka badan 5 ruux oo Shacab ah & Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa maanta ka dhacay Degmada Afgooye gaar ahaan Suuqa lagu iibiyo Ariga sida ay Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyeen ilo kala duwan…

Wararka ayaa sheegay in xiliga uu qaraxa ka dhacay Suuqa lagu iibiyo Ariga waxaa ku sugnaa Ganacsato, Dadka loo yaqaan “Dalaalka” & qaar kamid ah Dad u tagay in ay xalkaas kasoo iibsadaan Xoolaha gaar ahaan Ariga & Idaha.

Maalinta Arbacada oo inta badan Dadka Degmad Afgooye iyo degaannada kale nawaaxiga ah ay u iibsi tagaan Suuqa lagu iibiyo Ariga ayuu ka mashquul badan yahay maalmaha kale maadaama inta badan la keeno xoolaha iibka loo rabo.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in Dadka waxyeellada soo gaartay la geeyay Goobaha Caafimaadka ee Degmada Afgooye si looga daweeyo Dhaawacyada kasoo gaaray Firirka Miinooyinka.

Dhanka kale, Warar dheeraad ah ayaa la helayaa Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Marka, kaasoo la la beegsaday Mas’uuliyiin iyo Dad Rayid ah, iyadoo khasaare kala duwan u ka Dhashay Is-miidamintaasi.

203930cookie-checkQaraxyo Sababay Dhimasho & Dhaawacyo oo kala dhacay Degmooyinka Marka & Afgooye.