Wararkii ugu Dambeeyay ee Weerarka Hoteelka Xayaat & Khasaaraha ka Dhashay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerarkii ay xalay fiidkii ku qaadeen Hoteelka Xayaat koox dabley ah oo ka tirsan Maleeshiyaadka Argagixisada Shababka, kuwaasoo ilaa Saakay aroortii hore ka dagaalamaayay Dabaqa sare ee Hoteelka…

Wareerkaan ayaa noqday kii ugu horreeyey ee ay kooxdaan ka fuliso hotel ku yaalla Muqdisho tan iyo markii Madaxweynaha dib loo doortay 15-kii May 2022, Waxaa soo baxaya xogta khasaarihii ugu horreeyey, iyadoo la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 10 qof, halka dhaawacana uu intaas aad uga badan yahay.

Gudaha hoteelka ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Kooxda Shababka oo aan tiradooda rasmiga ah la aqoon, Kooxdaan ayaa la sheegay inay saaran yihiin qeybta kore ee hoteelka, iyadoo Hay’adaha Amniga aysan weli wax war ah kasoo saarin weerarka tirkoodka guud ee khasaaraha ka dhashay Weerarka.

208600cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay ee Weerarka Hoteelka Xayaat & Khasaaraha ka Dhashay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com