Yaa Fara-gelin ku Sameeyay Xaflada Xil-wareejinta Wasiirka Arrimaha Dibeda Somalia

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helay fara-gelin lagu sameeyay xaflada Xil-wareejinta Wasiirka Arrimaha Dibeda Somalia, iyadoo Wasiirka Cusub Mr.Abshir Cumar Huruuse shalay Xilka lagu wareejiyay, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka..

Warsidaha Diinah.com news ayaa si hoose loogu sheegay in Xafiisyada Ra,iisul wasaaraha (Xamse) ilaa habeen hore ay ku howlanaayeen sidii uu xilka u wareejin lahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda Cabdisaciid Muuse, hase yeeshee Madaxweynaha (Xasan Sheekh) ayaa si deg deg ah u soo fara geliyay, wuxuuna ku amray Wasiirka 1-aad in la dhaqan geliyo lana adkeeyo Shaqo ka joojiyintii Ra’iisul wasaarihii hore ku sameeyay Mr.Cabdisaciid.

Wasiirkii hore Arrimaha Dibada ayaa sheegay in go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh uu salka ku hayo ”Arrimo Siyaasadeed”, iyadoo Xaflada xil wareejinta uu wareejiyay kusimihii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibeda Mr.Balal Maxamed Cusmaan, Xiisadaan ayaa la dhalatay tiro qoraalo ah uu Cabdisaciid u diray Safaarada Somalia ee Cumaan si toos ahna ugu lug yeeshay Markab dhuxul sida oo lagu qabtay xeebaha dalkaasi.

207400cookie-checkYaa Fara-gelin ku Sameeyay Xaflada Xil-wareejinta Wasiirka Arrimaha Dibeda Somalia